807 Views

Puntland oo sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya ama soo galaya magaalada Garoowe laga doonayo damiin

Puntland oo sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya ama soo galaya magaalada Garoowe  laga doonayo damiin
____________________________________________________________________________

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe  laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

Axmed Maxamuud wuxu sidoo kale sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.

Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican Geeska Afrika lana magac-baxday Amni-badantii Garoowe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post