1461 Views

Magaalada Cadaado oo Maanta laga tukaday Salaad Roob-doon ah

Magaalada Cadaado oo Maanta laga tukaday Salaad Roob-doon ah
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 10, 2021
–Sedex maalin kahor ayay ahayd markii maamulka degmada Cadaado uu shaaciyay in maanta la tukanayto salaadda roob-doon ah oo hal meel lagu wada dukado.

Culumaa’udiinka, qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa si isku mid ah uga soo qeyb galay dukashada saladaan roob-doonka ah, iyadoo dadka qaarkood ay soomanayen sedexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Shiikh Maxamed Khani oo kamid ah Culimada magaalada Cadaado, ayaa dadka ku waaniyay  in ay Alle u toobad keenaan iskuna samraan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaah Cabdiraxmaan Tootole, ayaa ugu dambeyn dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogadaan waxyabaha maanka dooriya iyo falalka anshax darada ah, Xilli qeybo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro.

Gobalada dalka qaar ayaa waxaa ka taagan abaaro ay kaga horeyeen, xaalufin Ayax iyo colaado ay ku hayaan Maleeshida Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post