1140 Views

Taliska Booliska Puntland oo Awaamiir Cusub soo saaray

Taliska Booliska Puntland oo Awaamiir Cusub soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 04,, 2019  –Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saray digniin ku socota dadka ku nool deegaanadaas Maamulkaas,iyada oo looga digay inay xiriir la yeeshaan Al-Shabaab iyo Daacish.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in uu digniin u dirayaan dadka Guryaha iyo goobaha Ganacsi ka kireynaya xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee dagaalka kula jirto Puntalnd.

Waxa uu sheegay in Goobahaas Ganacsi iyo Guryaha laga kireeya Al-Shabaab iyo Daacish la bur burin doono,isla markaana Maamulka Puntland uu la wareegi doono.

 

“Ma aqbaleyno in Guryo iyo goobo Ganacsi laga kireeyo Shabaab & Daacish,cidii ka kireysa Guryahooda cagaf ayaa la gelinayaa,waxaana ka dhigeynaa Barxado ay Carruurta ku ciyaaraan banooniga,anaga ma dooneyno Burcad diimeed ayuu yiri Janeraal Muxudiin Axmed Muuse.

 

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay hayaan xogo badan oo ku saabsan dad laga kireeyay guryo iyo Goobo Ganacsi dhawaana soo bandhigi doonaan,waxaana uu u digayd ad uu sheegay in ay daba socdaan dad loo xiray inay ka tirsan yihiin Shabaab & Daacish.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment