231 Views

Marwo Sucaad Cali “Marka ay timaada doodda ku saabsan xuquuqda haweenka waxaa loo leexiyaa diinta”

Marwo Sucaad Cali “Marka ay timaada doodda ku saabsan xuquuqda haweenka waxaa loo leexiyaa diinta”
____________________________________________________________________________

Arbaco, 21 December [QARANIMO ONLINE] Marwo Sucaad Cali oo ka mid ah ururka haweenka Gobolka Banaadir ayaa ka hadashay doodda ku saabsan muranka sharciga jinsiga, iyada oo sheegtay in sharciga jinsiga laga qaato qeybaha aan waxba u dhimeyn dhaqanka & diinta islaamka, waxayna soo jeedisay guddi isugu jira culumaa’udiin & waxgarad ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada in loo xil-saaro dib u eegista sharcigaas.

“Maqli meysid marka caruurta yaryar & gabdhaha la faraxumeynayo culimo ka qeylineysa; masaajidka iridiisa haddii dad shacab ah lagu laayo culimadu kuma dhici karaan inay ka hadlaan, xumaantu uu ALLE xarimay ma ahan oo keliya tan ku qoran sharciga jinsiga, ee culimadu dib ha isugu laabtaan” Ayeey tiri Marwo Sucaad, oo intaasi ku daray in masiibadii Zoppe ee 29-ka Oktoobar lagu laayay boqolaal shacab ah in aysan culimadu ka hadlin.

“Haddii si daacad ah loogu wada guntan lahaa sugida amniga Muqdisho, Alshabaab waxaa lagaga guuleysan lahaa muddo koobban; Dowlad keligeed waxba ma qaban karto waa in shacab, dowlad & ganacsato isku duubban la dagaalaan Alshabaab, haddii aysan taasi dhicin xaaladu waxba kama duwana; i jiid aan ku jiido. waana shacabka qolada dhibka ugu badan ay soo gaareyso” Ayeey tiri Marwo Sucaado.

Marwo Sucaad Cali oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Accord ee Muqdisho, ayaa ku ammaantay hormuudka Jaamacadaasi oo uu ka mid yahay Prof. C/qaadir Basheer in ay soo kordhiyeen waxbarasho tayo sare leh, iyada oo ku boorisay Jaamacadaha kale ee Muqdisho in ay ku daydaan Jaamacadda Accord.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post