816 Views

Taalibaan oo dilay Ruuxullaahi Saalax oo la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii dalka Afganistan

Taalibaan   oo dilay  Ruuxullaahi Saalax oo la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii dalka Afganistan
____________________________________________________________________________

Sabti: September 11, 2021

Dagaalamayaal katirsan Taalibaan ayaa lagu soo waramayaa in maxbuus ahaan ku qabteen kadibna dileen nin lagu magacaabo Ruuxullaahi Saalax oo la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii dalka Afganistan Amrullaah Saalax.

Taalibaan ayaa la sheegay in dagaalkii ka dhacay Gobalka Dooxada Panjshir ee Waqooyiga Afganistan ku qabteen ninkan la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Afganistan xili uu qeyb ka ahaa iska caabinta Taalibaan.

Ilo-wareed ku dhow Kooxda Iska-caabinta Qaranka Afganistan ayaa u sheegay Warbaahinta Sputnik in Taalibaan maxbuus ahaan u qabteen Ruuxullaahi Saalax iyo xubno kale oo kooxda Iska caabinta qeyb ka ahaa kadibna dileen.

about:blank Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Afganistan Amrullaah Saalax. iyo Axmed Mascuud ayaa dagaal iska caabin ah la galay dagaalyahanada Taalibaan, hasa ahaatee Taalibaan ayaa ka adkaatay ciidamadii daacada u ahaa ragan kana qabsatay dooxada

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post