1017 Views

SAWIRO:-Banaanaxyo ka bilaawdey deegaano ka tirsan Galmudug

SAWIRO:-Banaanaxyo ka bilaawdey deegaano ka tirsan Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxda Cusub ee Dowlad Goboleedka galmudug ee shalay lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta ka bilaawdey deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Deegaannada ay banaanbaxyada ka bilaawdeen ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka Dhuusamareeb Cabudwaaq,Gaalkacyo iyo Cadaado,waxaana banaanbaxa dhigaya dadweynaha Magaalooinkaas.

 

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay wataan boorar uu ku sawiran yahay Madaxweynaha galmudug ee lagu doortey dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Kaariye,iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo ay ku taageerayaan doorashadaas.

 

Banaanbaxyada oo si isku mid ah uga socdo magaalooyinka,Dhuusamareeb,Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa waxaa jira mas’uuliyiin ka qeyb-galaya,kuwaas oo iyana taageersan doorashadii agu qabtey Dhuusamareeb.

 

Ka sokow banaanbaxyada Maanta ka socda deegaano ka tirsan galmudug ee lagu taageerayo doorashadii ka dhacdey dhuusamareeb ayaa hadana waxaa jira dad u badan siyaaasiyiin oo kasoo horjeestay doorashadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment