5898 Views

Madaxweyne Gaas oo Kismaayo gaaray

Madaxweyne Gaas oo Kismaayo gaaray
____________________________________________________________________________

Kismaayo | September 11, 2015 | Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo uu uga qayb-galayo Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Wafdiga Madaxweyne Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, Wafdiga C/weli Gaas waxaa la socda Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland iyo salaaddiin, kuwaasoo kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, sheegayna inay u yimaadeen caleemo-saarka berri dhacaya.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa inay magaalada Kismaayo ka dhaco Munaasabad lagu Caleemo-saarayo Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo la Filayo in ay mas’uuliyiin ka socota Dowladda Somalia ka qaybgalaan Caleemo-saarkaas.

Dhanka kale, waxaa iyagana maanta gaaray Kismaayo fannaaniin uu Abwaan Maki Xaaji Banaadir ka mid yahay, kuwaasoo la filayo inay heeso iyo suugaan kale kusoo bandhigaan Xafladda Caleemo Madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland, Sh. Axmed Madoobe ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbland 15-kii bishii hore ee Ogoosto, iyadoo lagu doortay cod aqlabiyad ah.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment