282 Views

Ergeyga Gaarka Ee Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Sargaal Sare Oo Ka Tirsan Midowga Yurub

Ergeyga Gaarka Ee Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Sargaal Sare Oo Ka Tirsan Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada Janez Lenarcic.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta Midowga Yurub ayaa looga hadlay kordhinta kaalmada looga jawaabayo gurmadka abaaraha, si loo baajiyo macluul markale Soomaaliya ka dhacda.

Ergeyga ayaa sidoo kale kala hadlay hirgelinta mashaariic lagu xasiliyo degaannada laga xoreeyo Kooxaha argagexisada ah oo hadda wajahaya kacdoon shacab iyo guluf dagaal oo xooggan durbana laga saaray degaanno badan oo istiraatiji ah.

Ergeygu wuxuu Midowga Yurub ka codsaday inuu Dowladda Soomaaliya ku garab istaago sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa halganka Dawladda iyo shacabka geesiyaasha ah isaga xoraynayaan argagexisada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa EU-da u sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursad, haddii lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka ay dabooli karto baahideeda iyo baahiyo badan oo maanta Afrika ka taagan.

“Argagexisadu waa cadawga ugu wayn ee maanta hortaagan amni, nabad iyo xasilooni dalkeenna ka hirgasha”. Ayuu yiri Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha isagoo Midowga Yurub ku boorriyay sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliya loogu garab siin lahaa ka xoroobidda argagexisada.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu adduunka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post