366 Views

Itoobiya oo la sheegay inay si xun ula dhaqanto wariyeyaasha

Itoobiya oo la sheegay inay si xun ula dhaqanto wariyeyaasha
____________________________________________________________________________

.

Isniin: August 2, 2022

Kooxo u ololeeya xoriyadda saxaafadda ayaa shegaya in Itoobiya ay haatan la simantahay dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, oo ay sheegen inay si xun ula dhaqmaan wariyeyaasha, marka la eego dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Sida laga soo xigtay ururkani u dooda suxufiyiinta, oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, dagaaladii ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, ayaa horseeday inuu siikordho cadaawada ka dhan ah wariyeyaasha.

Waxaa uu ururku sheegay, in la xiray 63 suxufi, iyo shaqaale kale oo ka howl gala xarumo warbaahineed, tan iyo bishii Novembar ee sanadkii 2020-kii, markaas oo uu dagaalku bilowday.

Waxay sheegeen in wariyaasha, xarigaasi u dheer yahay jirdil iyo dhibaatooyin kale oo ay la kulmaan inta ay xabsiga ku jiraan

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post