1071 Views

Cabsida cudurka Coronavirus oo ka taagan dalka Itoobiya

Cabsida cudurka Coronavirus oo ka taagan dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Xarunta dabagalka cudurka Coronavirus ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay tani iyo marka uu cudurka dillaacay xarunta in la soo gaarsiiyeyy 29 qof oo cudurkaasi looga shakiyey.

 

Wasaaradda caafimaadka oo qabatay shir jaraa’id oo ay cudurka kaga hadleysay waxay sheegtay in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyey xarunta ay soo gaareen isla-markaana dabagal iyo hubin dheeraad ahna lagu sameeyey.

 

 

 

Waxayna wasaaraddu sheegtay baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyey 29-ka qof ee xarunta soo gaaray 14 ka mid ah waxaa laga helay calaamado cudurkaasi u eg inta si rasmi ah looga ogaanayey iney cudurkaasi qabaan iyo inkalana waxaa lagu karantiilay goob u gaar ah oo lagula socdo xaaladdooda.

 

Dadkaasi looga shakiyey cudurka muunad laga qaaday oo Koonfur Afrika baaritaan looga dirayna waxaa lau ogaaday 8 ka mid ka ah iney cudurka ka bad qabaan, 3-da qof ee soo hartayna natiijada baaritaankooda Koonfur afrika laga sugayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment