768 Views

Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya shalay iyo maanta Maamulka Hay’addaasi oo hurumar la taaban karo gaarsiiyay Sawiro..

Shaqaalaha Hay’adda  Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya shalay iyo maanta   Maamulka Hay’addaasi oo hurumar la taaban karo  gaarsiiyay Sawiro..
____________________________________________________________________________



<!– /* Font Definitions */ @font-face {font-family:”Cambria Math”; panose-1:2 4 5 3 5 4 6 3 2 4; mso-font-charset:1; mso-generic-font-family:roman; mso-font-format:other; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:0 0 0 0 0 0;} @font-face {font-family:Calibri; panose-1:2 15 5 2 2 2 4 3 2 4; mso-font-charset:0; mso-generic-font-family:swiss; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:-469750017 -1073732485 9 0 511 0;} /* Style Definitions */ p.MsoNormal, li.MsoNormal, div.MsoNormal {mso-style-unhide:no; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; margin-top:0in; margin-right:0in; margin-bottom:8.0pt; margin-left:0in; line-height:107%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,sans-serif; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:Calibri; mso-fareast-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;} a:link, span.MsoHyperlink {mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; color:blue; text-decoration:underline; text-underline:single;} a:visited, span.MsoHyperlinkFollowed {mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; color:#954F72; mso-themecolor:followedhyperlink; text-decoration:underline; text-underline:single;} p {mso-style-priority:99; mso-margin-top-alt:auto; margin-right:0in; mso-margin-bottom-alt:auto; margin-left:0in; mso-pagination:widow-orphan; font-size:12.0pt; font-family:”Times New Roman”,serif; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”;} p.xmsonormal, li.xmsonormal, div.xmsonormal {mso-style-name:x_msonormal; mso-style-unhide:no; mso-margin-top-alt:auto; margin-right:0in; mso-margin-bottom-alt:auto; margin-left:0in; mso-pagination:widow-orphan; font-size:12.0pt; font-family:”Times New Roman”,serif; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”;} .MsoChpDefault {mso-style-type:export-only; mso-default-props:yes; font-family:”Calibri”,sans-serif; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:Calibri; mso-fareast-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;} .MsoPapDefault {mso-style-type:export-only; margin-bottom:8.0pt; line-height:107%;} @page WordSection1 {size:8.5in 11.0in; margin:1.0in 1.0in 1.0in 1.0in; mso-header-margin:.5in; mso-footer-margin:.5in; mso-paper-source:0;} div.WordSection1 {page:WordSection1;} –>
 

 
Hay’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo sanadihii la soo dhaafay, howlo shaqo oo aad u balaaran qabatay, ayaa waxaan warbixin kooban ku eegaynaa wax qabadka sanadihii la soo dhaafay Hay’addaasi iyo Howlaha Culus  ee Hor yaalo. 
 
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  oo uu  Agaasime  Guud  ka yahay  Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah shaqsi dhalinyaro ah wax badan u soo qabtay Umada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu intii Xilkaan uu hayay 4 tii Sano ee la soo dhaafay waxay Hay’addaasi ku talaabsatay horumar la taaban karo, waxaana howlahaasi ka mid ah balaarinta Xarumaha Hogaanka Socdaalka oo koobnaa 10 Sano ka hor.
 
 
Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Ku-xigeenadiisa ayaa shaqaalaha hay’adaasi waxay siiyaan Tababaro Mararka qaar Waxay Siminaaro ugu diraan shaqaalaha Dalalka Dibada ah, taasi oo muujinaysa in shaqaalaha Hay’adda ay ka dhisan yihiin aqoon ahaan Sanadihii la soo dhaafay Tan iyo markii uu Xilka qabtay Agaasime Koofi. 
 
Sidoo kale Dadka aadka u la socda xaaladda Laanta Socdaalka ayaa aaminsan inuu Koofi wax badan ka badalay hanaankii hore ee Laanta Socdaalka uuna ku kordhiyay aragtiyo cusub iyo hufnaan shaqo, sidoo kale wuxuu ku guuleystay hirgalinta xarumaha laanta ee Gobaladda dalka iyo iney shaqaaluhu helaan tababaro dheeri ah si shaqadda loo tayeeyo.
 
Dhinaca kale Marka laga hadlayo waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay DF Soomaaliya Tusaalooyinka ugu horreeya ee la soo qaato waxaa ka mid ah, sida Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ugu Guuleystay in ay adeegyada ay mas’uulka ka tahay ugu fidiso dhammaan gobolada dalka, iyada oo hay’adu ay ku shaqeyneyso hannaanka cusub  ee digital-ka loo yaqaano, Sidoo kalena ay soo rogtay shuruudo adkaynaya, meeshana ka saaraya in baasaboorka Soomaaliga ah uu gacanta u galo shaqsiyaad aan Soomaali ahayn oo ajnabi ah, taas oo sannooyinkii u dambeeyey ay dhici jirtay, ilaa heer Taleefishinada caalamiga ah ay soo saaraan warbixinno ku saabsan dad ajnabi ah oo ku faanaya in ay hannaan aan sharci ahayn ku qaateen baasaboorka Soomaaliga.
 
Waxaa dhici jirtay oo kale in Pasaporka Somaliga oo 5 Sano ah  kadibna uu ka dhacayo, uu qofka magaca dada, iyo taariiqda uu ka badasho 3 Jeer 5-tii sano taasi oo Wareer iyo Jahwareer ku Keeni jirtay hanaanka shaqo ee Hay’adda laanta Socdaalka  taasi oo uu meesha ka saaray Col. Maxamed Aadan [Koofi]  Taliyaha laanta Socdaalka iyon Jinsiyadaha Somaliya, kadib wareer badan oo ka dhashay arintaas.
 
 
Col. Maxamed Aadan [Koofi] ayaa noqday Agaasimihii ugu horreeyey ee albaabka u laabay wax kasta oo sharci ahaan iyo qiyam ahaanba meel ka dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya, wuxuuna ku guulaystay inuu soo celiyo sharaftii iyo qiimihii uu gudaha & dibedda ka lahaa baasaboorka Soomaaliga, waxaanna la oran karaa Col. Koofi wuxuu gutay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.
 
Hay’adda socdaalka waajibaadkeedu ma ahan oo keliya baasaboor bixin, ee waa wejigii dalka laga soo galayay, cid kasta oo dalka timaada Soomaali iyo ajnabi dadka ugu horreeya ee u qidmaynaya waa shaqaalaha hay’adda, haddaba waxaa lagama maarmaan ah in howlwadeenadu ay la jaanqaadi karaan habkan casriga ah ee adduunku ku shaqeynayo, waxaadna dareemeysaa in Agaasime Koofi uu yahay mas’uulkii ugu horreeyey ee hay’adaasi soo mara, kuna soo kordhiya waxqabad la taaban karo” Ayuu yiri Axmed Xassan oo ka mid ah howl-wadeenada garoonka dayuuradaha Adan Cadd
 
W/Q: /  Wariye  Abdihakim Elmi Hassan  
Email: Cabdixakiin441@hotmail.com 
Tel-+254-711830393 
Nairobi Kenya  
 
 
 
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post