1620 Views

Wasiirka Arr. Dibadda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arr. Dibadda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 13, 2018 –  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa saakay ka soo degtay diyaarad siday Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalax.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad.

Xubnahan Wafdigan ayaa waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, halkaasi oo lagu wado inay kula kulmaan madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Wafdiga ka socda Eriteriya ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa daba socda socdaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo dhawaan uu ku tagay magaalada Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii Asmara wuxuu bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood, waxaana wafdigan hordhac u yihiin wufuud kale oo Eritrea ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment