441 Views

Soomaali ku go’doosoon xadka Belarus iyo Luthania

Soomaali ku go’doosoon xadka Belarus iyo Luthania
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub.

Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad.

Qaar kamid ah dadkan ayaa sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal.

Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus.

Soomaali farabadan ayaa sanadihii dambe kusii qul qulayay qaar kamid ah dalalka Yurub, waxaana qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin ay kamid yihiin dil iyo dbibaatooyin kala duwan.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post