861 Views

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir” Hal bil ayuu sharci daro ku jooggaa Madaxtooyada Farmaajo”

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir” Hal bil ayuu sharci daro ku jooggaa Madaxtooyada Farmaajo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8da Maarso, 2021:Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha uu dhamaaday Muddo xileedkiisa in uu hal bil sifo sharci daro ah uu ku jooggo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in uu si sharci daro ah ku heysto xukunka, islamarkaana ay tahay mid aan la aqbalin karin.

Qoraal uu soo saaray Hoggaamiyaha Wadajir waxaa uu u qornaa siddaan:

Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya in uu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Mar  walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah. Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka.

Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na  kala dooransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye.

Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iskacaabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsanyihiin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post