996 Views

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho & Mas’uul ku dhintay

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho & Mas’uul ku dhintay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 20 2021–Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay wadada Xaafada daaru-Salaam meel u dhow Xoolo-qalka, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qof kamid ah dadka ku nool Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir lala eegtay Gaari uu watay mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu watay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca  Siyaasada degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud, isla markaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo haleelay Gaariga uu saarnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka guddoomiye kuxigeenka & dadka kale ee ku waxyeeloobay qaraxa, iyada oo rasaas ay fureen Ciidamada la qarxiyay ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo Shacab ah.

Qaraxyada nooca soo boodada ah ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxyadaas intooda badan ay ku waxyeeloobaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo Shacab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post