1080 Views

Qodobo hor dhac ah oo ka soo baxay shirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga murashixiinta

Qodobo hor dhac ah oo ka soo baxay shirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga murashixiinta
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Shirkii u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga musharaxiinta, Qeybo kamid ah Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa looga hadlay dhameystirka heshiiskii 25kii bishii  Febaraayo sida ay qortay Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA.

Shirka oo ilaa hada socda mardhowna la filayo in lasoo gabo gabeeyo ayaa ilaa hada qodobada la’isku afgartay waxa ka mid ah.

1-In lasoo bandhigo ama la shaaciyo liiska Guddiga ka shaqeynaysa Banaan baxii lagu heshiiyay kulankii hore in lagu qabto 10-cisho guddahood iyo Maalinta la qaban doono.

2- Qodobka kale ee la’isla gartay ayaa ah in la shaaciyo magacyada guddigii baaritaanka ku samaynaya dhacdadii ka dhalatay Mudaharaadkii 19 Febraayo Muqdisho ka dhacay iyo Qodobo kale oo muhiim ah.

Faahfaahinta Qodobadaas iyo wixii ku saabsan shirka guud ahaan waxaan idinla wadaagi doona marka uu kulanku soo dhamaado.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post