561 Views

Wasiirka Awood siinta Haweenka iyo Sinnaanta Jinsiga ee Japan oo dood ka keentay magaca lammaanaha guurka kaddib

Wasiirka Awood siinta Haweenka iyo Sinnaanta Jinsiga ee Japan oo dood ka keentay magaca lammaanaha guurka kaddib
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Wasiirka Awood siinta Haweenka iyo Sinnaanta Jinsiga ee dalka Japan ayaa ku soo biirtay sharci dajiyeyaasha diiddan in sharci ahaan loo oggolaado lammaanaha guurka kaddib in magac gaar ah loogu yeero.

Sharci la meel mariyey 1896-kii ayaa dhigaya lammaanaha dalka Japan u dhashay ee isguursada markay isguursadaan kaddib iney magac mideysan ay la baxaan.

Dadka u ololeeya sharcigan sidii wax looga baddali lahaa ayaa ku doodaya sharcigan inuu yahay mid eex horseedaya maadaamaa sharcigaasi uu lammaanayaal badan uu ku kallifay noolashooda inta ka dhiman in magaca guurka kaddib loo bixiyey loogu yeero.

Tamayo Marukawa waxay u sheegtay ka hor imaanshaha sharcigan ay kaga hortimid inuu yahay ‘aragtideeda shaqsi ahaaneed’ taasi oo aan saameyneyn waajibka saaran

“Doorkeygu wuxuu yahay inaan abuuro jawi suuragelin kara si arrimaha shacabka quseeyo looga doodo, ayey ku jawaabtay mar ay xildhibaannada mucaaradka ay aragtideeda su’aal ka weyddiiyeen”, sida ay qortay jariiradda shacabku inuu Asahi Shimbun.

Marukawa waxay ka mid tahay 50-ka xildhibaan ee ka tirsan xisbul xaakimka dalka Japan ee LDP oo bishi hore saxiixay warqad ay ku dalbanayaan aqalka hoose inuu diido sharciyada aragtida xorta ah ee dadweynaha caqabadda ku noqon kara.

Aragtiyada qoran ee lagu ansixiyay golayaasha deegaanka ayaa la sheegay iney gacan ka geysan karaan iney dardar geliyaan doodaha baarlamaanka.

Doodda arrintan la xiriirta waxaa horay loo keenay Maxkamadda Sare sanadkii 2015-kii.

Kiiskaasina waxaa maxkamadda geeyey seddex haween ah iyo lammaane arrinkan iisu bahaystay, kuwaasoo ku dooday inuu sharciga yahay mid aan waafaqsaneen dastuurka, oo horseedaya takoor iyo inuu meesha ka saaro dhaqan soo jireen ah.

Balse maxkamadda ayaa sharcigaasi ayidday, iyada oo sheegtay inuusan ka horimaneyn dastuurka.

Garsoore Itsuro wuxuu xusay iney jireen xilliyo si dadban magaca gaarka ah ee lammanayasha looga yeero loo isticmaalayey balse sharciga laga soo saaray uu arrinkaa sii fududeeyey.

Wuxuuna intaa ku daray wixi hadda ka dambeeya iney howsha u taallo hay’adda sharci dajinta, iney meel mariyaan sharcigaasi cusub ee oggolaanaya magacyo gaar ah in lammaanayasha guurka kaddib loo bixiyo ama ay sharcigaasi diidaan.

Marukawa magaceeda caadiga ah ayey goobteeda shaqada u adeegsataa, balse dokumantiyadeeda kale ee sharciga ah waxaa ugu qoran magaca gaarka ah ee loo bixiyey guurka kaddib.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post