1119 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada London

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo  ku wajahan Magaalada London
____________________________________________________________________________

Sabti: July 24 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sida aan xogta ku helnay Arrimaha Waxbarashada

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ee Ingiriiska ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ku tegayo tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loo magacaabay.

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post