714 Views

Waardiye u dilay nin ay wada shaqeynayeen jaajar taleefan

Waardiye u dilay nin ay wada shaqeynayeen jaajar taleefan
____________________________________________________________________________

Sabti: July 24 2021

 

Waardiye u dilay nin ay wada shaqeynayeen jaajar taleefan lix sano ka hor ayaa lagu xukumay toddobo bilood oo xarig ah.

Dhacdadaan oo lix sano ka hor ka dhacday magaalada Thika ee dalka Kenya ayaa Lutintanoi Lereo wuxuu toorey si bareer ah ugu dhaawacay David Lesukat habeenimadii Febraayo 10, 2015 agagaarka Kamenu ee Makongeni, magaalada Thika.

Labadaba waxay u shaqaynayeen Shirkadda Gaaska ee Pekenya, waxayna habeenka ay arrintani dhacday ku jireen shaqada iyaga oo ilaalada ama waardiye ahaan halkaas uga howlgalayay.

Xukunka Lereo ayaa Arbacadii la soo gabagabeeyay, eedaysanaha ayaa lagu xukumay toddobo sano oo xabsi ah balse maxkamadda ay amartay in muddada la xisaabinayo la soo bilaabayo Febraayo 26, 2015-kii.

Maxkamadda ayaa sheegtay in markii cadeymaha la hor keenay ay arkeen ay ku go’aamiyeen in kiiska uu ahaa kama, jaajarka la isku haystayna uu ahaa midka eedeysanaha, dilka ayaa sidoo kale la sheegay inuu u dhacay si falcelin kadis ah.

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post