324 Views

Kulan Lagu Eegayay Xeerka Xabsiyada Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb

Kulan Lagu Eegayay Xeerka Xabsiyada Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

 Isniin: OCTOBER 24, 2022

 Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan wax ku biirinta Qabyo Qoraalka, Xeerka Xabsiyada Soomaaliya ee loo yaqaan Xeerka LR.7 oo soo baxey 1971, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Madashaan waxaa kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socota Wasaraddaha Cadaaladda iyo Garsoorka ee Federaalka iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Aqoon yahano kale oo ku xeel dheer arrimaha Sharciyada.

Kulankaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa noqonaya aragti ku biirintii ugu horreysay ee Wasaaradda Cadaaladda Federaalka ay kala yeelato xeerkan dowlad goboleedyada dalka,.Oo looga fadhiyo dhammaantood inay aragti ku yeeshaan,Galmudug ayaana noqotey meeshii ugu horreysay ee tashigani bilaawga u noqota.

Maxamed Nuur Maxamed Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Galmudug, “Muhiimad weyn ayay inoo leedahay dib u eegista xeerka LR.7,Waayo xeerkaan mahan mid la jaan qaadi karo xaaladaha iyo duruufaha Dalka kajira”

Maxamuud Guure Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Galmudug oo ugu dambeyn xusey Ayaa yiri ” Inaan ka fikirno dadka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiraan Xabsiyada,Waxaa inaga saaran waajib,Una baahan yihiin in la dhowro Xaqooda”.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post