1140 Views

Duqa Degmada Garoowe” Soomaaliya waxa ay ku jirtaa wixii dadnimo ugu liitay”

Duqa Degmada Garoowe” Soomaaliya waxa ay ku jirtaa wixii dadnimo ugu liitay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay tahay mid aad u liidato taasina ay gaarsiyeen dadkeeda oo ah kuwa aan mideesneyn,isla markaana aan kalsooni isku qabin.

 

Waxa uu sheegay in dhawaan safaro uu ku tegay dalal ka mid ah Yurub loo diiday in Baasaboorka Soomaaliya uu watay Viisaha loogu dhejiyo,waxaana taasi uu u sababeeyay in Soomaaliya aan la aqoonsaneyn oo ay joogto meeshii ugu liidatay.

 

“Intii aan ahay duqa degmada laba jeer ayaan aaday Yurub waana ii diideen in baasaboorkeyga inay viisaha iigu dhejiyaan,warqad ay iyagu qoreen ayay ku dhejiyeen waxayna ii raaciyeen baasaboorka ma aqoonsani,sharafteena waxaa ay ku xiran tahay midnimadeena ayuu yiri Duqa degmada Garoowe.

 

Hadalkaan ayaa duqa Magalada Garoowe waxaa uu ka jeediyay munaasabad lagu soo geba-gabeynayay Bandhiga Buugaagta oo markii Shanaad sanadkaan lagu qabtay Magalada Garoowe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment