876 Views

Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay duqeytii lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Galmudug.

Wasaaradda Warfaafinta  oo ka hadashay  duqeytii  lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Galmudug.
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeymo maanta lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Qaycad ee Koofurta gobolka Mudug.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay fariisimihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana lagu taageerayay Ciidanka DANAB iyo kuwa Galmudug ee howlgallada ka wadaa Koofurta gobolka Mudug.

” Waxaa sii kordhaya dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ka tagaya ururka Al-Shabaab kadib markii ay ka adkaadeen Ciidanka Danab , waxayna u goosanayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya halkaas oo lagu soo dhoweeyey si sharaf lehna loola dhaqmay ayaa lagu yiri” bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post