1101 Views

Puntland oo shaaciyey Cidda noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha

Puntland oo shaaciyey Cidda noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay ku shaaciyeen cidda Sharci ahaan noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

 

Kulankooda kadib ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku shaaciyeen in Hanaanka lagu dhisay Maamulka Puntland uu yahay mid Baarlamaani ah,sidaas daraadeed hadii Madaxweynaha & kuxigeenkiisa ay ka maqnaadaan dalka awooda kusimaha lagu soo wareejiyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

 

 

 

Hoos Ka Akhriso Go’aanka Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ee cidda noqoneysa kusimaha Madaxweynaha Puntland.

 

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

 

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

 

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

 

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

 

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

 

  1. In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

 

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

 

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

 

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment