822 Views

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo uu Muqdisho caawa ka wado Taliye Ku-xigeenka Booliiska Jeneraal Cismaan Maxamed Cabdullaahi kaniif

Dhaq     dhaqaaqyo Ciidan oo uu Muqdisho caawa ka wado Taliye Ku-xigeenka Booliiska Jeneraal Cismaan Maxamed Cabdullaahi  kaniif
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka jira dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo uu wado Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Jeneraal Cismaan Maxamed Cabdullaahi  kaniif oo ay isku heybyihiin Raisal wasaaraha Soomaaliya Rooble.

Kaniif ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu diyaarinayay Ciidamo uu fariisin uga dhigay xaafada banaadir ee Seybiyaano ilaa Ex.kontarool afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in shakigaan Ciidamamada uu ku diyaarinayo kaniif ay timid, kadib Markii la sheegay in caawa lagu wado in farmaajo uu xilka ka qaado Raisal Wasaare Rooble.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Ciidamada oo gaaraya ilaa 1000 kun askari ay wataan ilaa 40 gaadiidka dagaalka ah, taasi oo shaki galisay caawa dadka Reer Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post