675 Views

Abshir Kaaraan Oo Mar Kale Guddoomiye Loo Magacaabay

Abshir Kaaraan Oo Mar Kale Guddoomiye Loo Magacaabay
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Guddoomiyihii Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xilkii laga qaaday,iyadoo Guddoomiye kalena la magacaabay, xili degmada kaaraan ay dhawaanaahan dhex-maquuranaysay ammaandarro baahsan.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degmada ku magacawnaa xilka laga qaaday sidoo kalena la magacaabay Abshir Kaaraan, kaasi oo haray Guddoomiye uga soo naqday karaan.

Guddoomiyihii Xilka laga qaaday ayaa lagu Magacaabayay Ciise Max’muud Max’ed,waxaaana xusid mudan in markii hore lagu beddalay isla masuulka hadda la magacaabay Abshir Kaaraan.

Talaabadaan waxa ay ka dambeysay kadib markii Amaanka Degmada uu faraha kabxay bilihii ugu dambeyay, waxaana degmada kusoo Cusboonaaday dhacdooyin iyo waxyaabo ugub ku ah degmada, iyadoo Ciyaal weero dadka dhibaato ku haya ay kusoo kordheen magaalada kuwaasi oo dadka degmadu ay qaylo dhaan ka muujiyeen.

Sidoo kale dhaca ay sameynayaa kooxaha burcadda ah ayaa joogta ka noqday xaafadaha kal duwan degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post