819 Views

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Xarunta Gaashaandhigga Turkiga kula kulmay Dhiggiisa Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya oo  Xarunta Gaashaandhigga Turkiga  kula kulmay Dhiggiisa Turkiga
____________________________________________________________________________

Jimco: September 3, 202

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga, waxaana si wadajir ah ay salaan uga qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.

Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagantahay Soomaaliya.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa kaga mahad celiyay dawladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan CXDS ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post