1128 Views

Cimran Khan oo isku dayga xil ka xayuubintiisa ku eedeeyay Mareykanka

Cimran Khan oo isku dayga xil ka xayuubintiisa ku eedeeyay Mareykanka
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

  • Madaxweynaha Pakistan ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas ka dib markii ay sameeyeen isku day xilka looga xayuubinayo ra’iisal wasaare Imran Khan.
  • Arintaan ayaa timid kadib markii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu diiday in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul wasaaraha oo la filayey inuu xilkiisa ku waayo.
  • Mr Khan ayaa ku andacoonaya in Mareykanka uu hormuud ka yahay shirqool xilka looga qaadayo ka dib markii uu dhaliilay siyaasadda Mareykanka iyo go’aannada kale ee siyaasadda dibadda ee uu qaatay.
  • Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hor yimid eedeynta, Mareykankana waa uu diiday. Imran Khan ayaa booqday Moscow si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin xilli Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine, Waxa uu horay ugu dhaleeceeyay Mareykanka “La dagaalanka Argagixisada”.
  • Talaabadan ayaa dhalisay dibad bax caro leh oo ay sameeyeen hogaamiyayaasha mucaaradka oo sheegay in haatan ay kiiska u wareejin doonaan maxkamada ugu sarreeysa ee dalkaasi.
  •  

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post