537 Views

Qasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay isgoyska Banaadir oo soo kordhaya.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay  isgoyska Banaadir oo soo kordhaya.
____________________________________________________________________________


khamiis: November 11, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qasaraha ka dhashay Qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, waxaana lala eegtay kolnyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida ay sheegayaan.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in ay meesha ay ku dhinteen ku dhawaad 7 qof, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan.

Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post