429 Views

WHO oo sheegtay in goor dambe la ogaaday cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda

WHO oo sheegtay in goor dambe la ogaaday cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in cudurka Ebola ee ka dilaacay Uganda la ogaaday goor dambe. Baaritaano horudhac ah ayaa sheegaya in astaamaha ay bukaanada ku soo baxeen bishii Ogosto balse aanan isla markiiba horay laga ogaanin.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ilaa hadda laga helay cudurka Ebola, kaas oo ay u dhinteen afar qof.

Dr Patrick Otim, oo kormeeraya xaaladda Ebola ee Uganda, ayaa BBC u sheegay in kooxaha ka jawaabaya kiisaska la xirriira Ebola ay ku adag tahay in ay aqoonsiga bukaanada qaba cudurka .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post