1851 Views

Ra’iisulwaare Kheyre oo Farriin u diray Shacabka Muqdisho

Ra’iisulwaare Kheyre oo Farriin u diray Shacabka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 16, 2018 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney dulqaad muujiyaan Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in 12 bilood ee soo socda ay rajeynayaan in wax badan ay iska badalaan.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo saraakiishooda ay kula dardaarmeyn sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in shacabka loogu baahan yahay iney u dulqaataan xerista wadooyinka muqdisho inta dowladda soomaaliya ay ka shaqeyneyso sugida amniga caasimada.

Xasan Cali Khayre Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan xalay ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye oo uu la yeeshay saraakiisha hay addaha amaanka ee dowladda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment