645 Views

Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria oo soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya

Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria oo  soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria.

Ciidamadan oo ka tirsan Howlgalka midowga afrika Soomaaliya ee  (AMISOM). Ayaa la sheegay in ay badali doonaan Ciidamo kale oo joogay Magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay.

Ciidamadan ayaa joogi doona Soomaaliya muddo hal sano ah, waxayna la-talin iyo taageero hawlgalba siin doonaan ciidanka booliska Soomaaliyeed .

Sidoo kale Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in 30 askari oo ka mid ah ciidamadan la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle, halka inta soo hartayna ay ka shaqeyn doonaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post