942 Views

DEG DEG:-Golaha Shacabka oo Codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub

DEG DEG:-Golaha Shacabka oo Codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 23 2020—Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa, iyaga oo kulankooda codka kalsoonida ku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ka hor cod u qaadista waxaa uu Golaha ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan, isla markaana uu yahay Ra’iisul Wasaaraha Aqoon yahan kasoo bixi kara waajibaadkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa waxaa uu u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo 17-kii Bishaan u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada.

Waxaa uu sheegay in ilaa 8 qodob oo uu wax ka qaban doono maadaama Xildhibaannada ay codka kasloonida siiyeen, kuwaas oo kala ah.

1: Arrimaha Amniga

2:  Doorasooyinka

3:  horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7:  Dhab u heshiisiinta

8:Iiskaashiga Caalamiga ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kal-fadhiga 7-aad oo ay ku sugnaayeen  215 Xildhibaan waxaa ay siiyeen Codka kalsoonida, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in ay Cod gacan taag ah ku ansixiyeen dhamaan xildhibaannadii kulanka fadhiyay oo ahaa 215 Mudane.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Goobta kulanka ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraah Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo dhaarin kadib uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ansixiyay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post