1011 Views

Dad rayid ah oo ku dhintay Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Liyuu Booliis

Dad rayid ah oo ku dhintay Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Liyuu Booliis
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Ugu yaraan 11 ruux oo ay kamid yihiin haween iyo carruur ayaa geeriyooday, halka ay tiro kalena dhaawacmeen, ka dib markii uu dagaal dhexmaray Ciidamada Liyuu Booliis iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Dhacdan ayaa ka dhacday degmada Shillaabo ee Gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa daba socotay ka dib markii habeeno ka hor shan ruux aano qabiil loogu dilay deeganadaasi.

Saraakiisha Ciidamada Howlgalka sameeyay ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin khasaaraha soo gaaray rayidka ee ka dhashay dagaalka.

Deegaannada ku yaal xuduudka Maamulada Galmudug iyo dowlad deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo salka ku haya aano qabiil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post