1008 Views

Jubbaland oo faah faahisey howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Jubbaland oo faah faahisey howlgal ka dhacay Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 11 2020–Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Kudhaa oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay dilen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Kudhaa Maxamed Maxamuud Faarax ayaa sheegay in intii ay howlgalka wadeen ay deegaanka Yaaqbuul oo 25km u jira deegaanka Kudhaa ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dagaal culus uu Ciidamada Daraawiishat Jubbaland iyo Al-Shababa ku dhexmaray deegaanka Yaaqbuul,isla markana Ciidamada Jubbaland ay howlgallada sii wadi doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment