687 Views

Magaalada hargaysa Qof ku geeriyooday mid kamida godad ka lagu aaso haamaha shidaalka.

Magaalada hargaysa  Qof ku geeriyooday mid kamida godad ka lagu aaso haamaha shidaalka.
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Cali Cabdi Jaamac oo 60 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday goob laga qodayay god lagu aaso haan shidaal, oo ku taala degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay boga Facebook-ga ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

“Alle haw naxariistee nin ayaa ku dhintay goob laga qodayay God loogu talagalay in lagu aaso haanta Shidaalka oo ku taala xaafada Sheedaha ee degmadaIbraahim Koodbuur, ciidanka dab-demiska Hargeysa ayaa abaaro 4:00 galabnimo goobtaas gaadhay, waxaana ciidamadu Maydkii ka soo saareen godka” ayaa lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Ciidamada booliiska ayaa maydka la wareegay, isla markaana ku wada baadhis la xidhiidha sida uu u geeriyooday.

“Ciidanka Booliska gaar ahaan qaybta dambi baadhista ayaa maydka la wareegay, baadhisna ku wada sababta dhimashada.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cali Cabdi Jaamac , qiyaas ahaan da’adiisuna ahayd ilaa 60 Jir” ayaa markale lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post