519 Views

Maxamed Mursal “Koofur Galbeed oo maqan Baarlamaan ma jiro”

Maxamed Mursal “Koofur Galbeed oo maqan Baarlamaan ma jiro”
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Guddoomiyahii Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha Doorashada.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhageysto talada Maamulka Koofur Galbeed, maadaama uu dalku yahay Federaal.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Koofur Galbeed oo maqan in aysan Baarlamaanka kulan yeelan karin, isla markaasna aan la dhaarin karin 14-ka bishaan April ee sanadkaan 2022-ka.

“Haddii la gaaro 14 bisha oo dhaarinta Xildhibaannada oo ay weli ka maqantahay Koofur Galbeed weli meesha Baarlamaan ma yaal” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Hadalka Mursal ayaa ku soo aadaya Xilli uu taagan yahay Khilaaf xooggan oo la xiriira 4 kursi oo lagu soo doortay Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ay hakiyeen Guddiga Doorashada ee FIET, tillaabadaasi oo keentay in maamulka KG uu joojiyo wadashaqeyntii uu la lahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post