852 Views

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Cusub & C/raxmaan Cabdi Shakuur?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Cusub & C/raxmaan Cabdi Shakuur?
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 24 2020
—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaadsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka  saacado qaatay ayaa waxaa ay labada mas’uul  ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha la xiriira doorashada, waxaana Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kulanka faah faahiyay uu sheegay inay isla garteen in doorashada ku dhacdo waqtigeeda.

“ Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelanay Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda ayuu yiri” C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu sheegay in uu uga mahad celinayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya  kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhex-mara Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, waxaana kulankaan uu qeyb ka yahay kulamo uu maalmahaan waday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post