609 Views

Ciidanka Danab oo cagta mariyey xarumihii argagixisada ee Sh/Dhexe

Ciidanka Danab oo cagta mariyey xarumihii argagixisada ee Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

 Talaado February 22, 2022

Ururka 4-aad guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Goobaale ee gobolka Shabeellada Dhexe, u jeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deagaankaas.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awooda ciidanka kumaandooska Danab, balse ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa  holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, hadaba Muwaadin hadii aad heyso wax macluumaad ah oo la xariira argagixisada fadlan nagala soo xiriir Telefoonka hoos ku qoran
0612-804-451

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post