888 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka socda Magaalada Garoowe

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka socda Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–Gelinka dambe ee Maanta ayaa waxaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaa soo sanadkaan markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Garoowe maadaama Afartii sano ee la soo dhaafay lagu qabanayay dalka Jabuuti.

Shirka oo Maanta galay Maalintii saddexaad ee ugu dambeysay ayaa waxaa ka qeyb-galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka, guddoomiyeyaasha labada Aqal, Saddex kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada & xubno kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Labadii maalmood ee uu shirka socday ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxda Dowlad goboleedyada, ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Musharixiinta Madaxweynaha Intooda badan.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ahaa dood dhex-martay inta badan Madaxda ka qeyb-galeysay shirka sidoo kalena ay su’aalo weeydiinayeen dadkii lagu casuumay Shirka.

Xubno uu kamid yahay Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inay maanta xeritaanka shirka khudbado ka jeediyaan, sidoo kalena warmurtiyeed laga soo saaro.

Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa sanadkaan waxaa uu kusoo aadaya waqti kala guur ah oo weli uu muran ka taagan yahay Arrimaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post