450 Views

Dowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF

Dowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF kaga codsatay inay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu sameyneyso dhaqaalaha dalka.

Barnaamijka dib u eegista dhaqaalaha dalka ayey horey u shaacisay hay’adda IMF in ay ku egtay bartamaha  bishan may, hasa ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in loogu daro muddo saddex bilood ah.

Qoraal ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed ayey kaga dalbadeen IMF in barnaamijkan dib u dhigto muddo saddex bil ah sababo la xariira dib u dhaca doorashada oo shaqadooda saameyn xooggan ku yeelatay .

Taageerada dhaqaale ay siiso IMF Soomaaliya ayaa halis galaya haddii aan dalka yeelan Madaxweyne ilaa 17-ka bishan, waxa ayna IMF ku hanjabtay hadii Soomaaliya hoggaan rasmi ah yeelan muddadaasi in hakad galeyso barnamaijka deyn cafinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post