1173 Views

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Cali Yare oo u Hanjabay dadka ka baxaanbaxaya afgambigii fashilmay ee 27-kii December

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka  Cali Yare oo u Hanjabay dadka ka baxaanbaxaya afgambigii fashilmay ee 27-kii December
____________________________________________________________________________

Axad: January 9, 2022

Waxaa maanta kulan iskugu yimid dad taageersan Madaxweynihii hore ee Somaliya farmaajo iyo maamulka Gobolka banaadir oo isku dayaya in ay fashiliyaan banaanbax lagu diidan yahay afgambigii fashilmay ee 27-kii December.

Dadkii halkaas ku shiray waxaa ka mid ahaa  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo sidoo kale Farmaajo si weyn ugu difaaca baraha bulshada

Cali Yare ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga caasimadda, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Sidoo kale cali yare ayuaa ku amray Gudoomiyayaasha Degmoyinka Gobolka banaadir in dadka isku dayaya in ay banaanbaxaan dhulka xabada loo dhigo.

Sidoo kale Dibadbaxan ayaa waxa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post