840 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray dowladda dhexe

Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray dowladda dhexe
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 18, 2020—Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, islamarkaana sababto ah tahay mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo doonaya in ay awoodda la wareeggaan.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in hanaanka lagu dhisay Soomaaliya burburkii ka dib uu yahay Mid Federaal ah ,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay meesha ka saarto.

 

Waxa uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay awooddaan in ay dhisaan dowlad dhexe  haddii aan la xalin Khilaaf oo aan Jubbaland iyo Puntland lala heshiisiin.

 

Maamulada iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in Saacadaha soo socda ay soo saaraan War Saxaafadeed  ku saabsan Xaaladda dalka iyo Sharciyadda doorashooyinka iyo Batroolka oo ay si weyn uga soo horjeeddaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment