1146 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shirar uga qyeb-galaya Qatar

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shirar uga qyeb-galaya Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaWafdi uu hogaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya shirarka iyo bandhiga tiknolojiyadda ee Qadar iyo Shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka ee Munich (Munich Security Conference)

 

Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka dhalinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad daneebka (e-government), iyo ganacsiga elektarooniga ah (E-commerce).

 

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada nuucan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibaradaha & qorshayaasha, gaar ahaan dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horeeya dalalka carabta dhinaca baahinta tiknolojiyadda.

 

”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan.

 

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar, shirkan oo looga hadlayo iskaashiga labada dal ee dhinaca Isgaarsiinta & Tikonlojiyadda iyo isticmaalka tiknolojiyadda ee ka hortaga iyo gurmadka musoobooyinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment