759 Views

In ka badan 200 oo Maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaalla dalka Uganda

In ka badan 200 oo Maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaalla dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 17 2020—Maxaabiis ku jirtay xabsi ku yaalla dalka Uganda oo gaarayay 219 maxbuus ayaa baxsatay, kaddib markii ay ka awood badiyeen Ilaaladii xabsiga.

Maxaabiistan ayaa goor dambe oo Arbacadii ah ka baxsaday xabsiga Karamoja oo ka tirsan gobolka waqooyi-bari ee fog, waxaana ay la baxsadeen illaa 15 qori.

Maxaabiistan ayaa ka hor inta aanay baxsan waxay jabsadeen  keydkii hubka ee xabsiga, iyagoo xaday 15 qori oo AK47 iyo rasaas.

Afhayeen u hadashay Milateriga Uganda oo lagu magacaabo Brig. Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka ay bilaabeen howlgallo ay dib ugu qabqanayaan.

“Waa baxsad ballaaran, kuwani waxay ahaayeen dambiilayaal mayal adag” ayay tiri iyadoo raacisay inay ku jiraan gacan ku dhiiglayaal, burcad iyo kufsi geystay

Howlgal weyn oo amniga ah ayaa socda oo lagu doonayay in lagu soo qabto, iyadoo labo ka mid ah maxaabiista lagu dilay baacsiga halka labo dib loo xiray.

Karamoja waa dhul buuraley ah oo ku yaal xadka Uganda la wadaagto Kenya, sidoo kale waa gobol hodan ku ah macdanta.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post