1293 Views

Dhagayso:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay wadashaqeynta Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada

Dhagayso:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay wadashaqeynta Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 27, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad  lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment