1029 Views

‘Haddii aad halkan wax ka cunayso, ogow jiir ayaa kula cuni doona’

____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021


Diem Boyd waxa ay fadhiday bannaanka makhaayad ku taal xaafadda Greenwich ee caanka ah ee New York bishii Sebtembar, markaas oo koox jiirar ahi ay isla jiidheen.

“Daqiiqado gudahood qof kastaa wuu booday,” ayay tidhi.” Waxaan luminnay amateedkii aannu wax ku cuni lahayn”

Qof kasta oo ku nool New York wuu la kulmay sheeko la mid ah tan oo kale.

“Waa aad arkaysaa marka aad soo baxdo habeenkii,” ayay ku raacday Deborah Gonzalez, oo, sida Diem, ku nool Manhattan’s Side ee oo ku taal bariga magaaladaas. “Markaad ku dul socoto dhismahan waxaad arkaysaa iyagoo hore iyo dibba u ordaya.”

Way adagtahay in la qiyaaso tiradooda saxda ah, laakiin wicitaanada khadka cabashooyinka ee magaalada New York ee sheegaya jiirka ayaa kor u dhaafay sanadkan, 15% heerarkii faafitaanka Karoona ka hor ay taagnaayeen.

“Dabcan New York waligeed waa ay lahaan jirtay jiir,” ayuu yidhi Marcell Rocha, oo sidoo kale ku nool xaafaddan, laakiin hadda ” way ka waaweyn yihiin oo way kadhiirran yihiin kuwii hore, way kugu soo boodayaaan, iyaga oo aad moddoo in ay kugu jimicsanayaan”.

Diem, Deborah iyo Marcell waxay dusha ka saareen eedda xaaladan cusub, in magaaladan ay ku baahan goobaha laga cunteeyo ee debedda ama bannaanka ku yaal ay ku bateen magaalada intii lagu jiray cudurkan faafa, kuwaas oo dadka ku dhiirigeliyay inay wax ku cunaan miisaska bannaanka.

Boqolaal ka mid ah waddooyinka New York ayaa hadda waxaa safan goobahan laga cunteeyo – inta badan labada dhinacba – kuwaas oo gebi ahaanba beddelaya muuqaalka magaalada. Waxaa jira in ka badan 11,000 oo goobo cunto dibadda ah oo cusub.

Qaar ka mid ah goobahan cusub ayaa wax yar ka badan qaab-dhismeedka iyo kuraasta kala firdhisan, kuwa kale waa dhismayaal adag oo leh sagxad hoose, nalalka yar yar, ubaxa iyo kuleyliyeyaasha korontada ku shaqeeya. Diem, Deborah iyo Marcell waxay yiraahdeen in goobahani ay qashinka ku ururiyaan baco waaweyn oo madmadaw oo waddada dhinaceeda ah, halkaas oo ay gabaadka ugu habboon ka helaan jiirarku sagxaddooda hoose.

Si kastaba ha ahaatee, goobahan ayaa si weyn caan uga noqday macaamiisha sannadkii iyo badhkii u dambeeyay.

In kasta oo oggolaanshaha bilowga ah ee lagu dhisayo aagagga cuntada bannaanka ay ahayd qorshe ka yii duqa magaaladan oo lagu dhiirrigelinayey ganacsiyada noocayadan ah.

“Makhaayadaha furan waxay ahayd tijaabo geesinimo leh oo weyn oo lagu taageerayo warshado muhiim ah iyo dib u habeynta goobaheenna dadweynaha – wayna shaqeysay,” Bill de Blasio ayaa yidhi.

“Sida aan bilowno soo kabasho mustaqbalka fog ah, waxaan ku hanweynahay inaan ballaarino oo aan ballaarino dadaalkan si aan magaalada New York u sii ahaano magaalada ugu firfircoon ee adduunka.” ayu hadalkiisa raaciyey duqa magaaladu

Golaha Magaalada – oo ah hay’adda la soo doortay ee maamusha arrimaha New York – ayaa hadda ku guda jira ka doodista iyo u codeynta sidii meesha looga saari lahaa xeerarka xaddidaya cuntada dibadda.

Tallaabadaas ayaa ka cadheysiisay Diem, Marcell iyo Deborah. Waxay sheegeen in aan qiimayn sax ah lagu samayn saamaynta ay ku yeelanayaan goobahani nolosha.

Iyaga oo ay weheliyaan in ka badan tobannaan kale oo dadka degaanka ah, ayaa bilaabay tallaabo sharci ah si ay isku dayayaan in ay maamulka magaalada ku qasbaan in ay si dhow u eegaan saamaynta aybalaadhinta joogtada ah ee goobahan laga cunteeyo ee bannaanka ku yaal ay yeelan doonto.

Andrew Rigie, oo ah agaasimaha fulinta ee Isbahaysiga Martigelinta Magaalada New York ayaa sheegay in ka dhigista nidaamka cuntada bannaanka si joogto ah ay caddayn karto uun kicinta ay magaaladu u baahan tahay si ay wax uga qabato dhibaatada diidmada ee muddada dheer jirtay.

Qashinka reer New York ayaa inta badan lagaga tagaa wadada dhinaceeda bac madow si ay u qaadaan shaqaalahaa dadweynaha ama kuwa gaarka loo leeyahay, taas oo dad badan u arkaan halka dhibta keenaysa.

Laakiin qof kastaa uma arko sidaas.Jacob Siwak, madaxa cunto karinta iyo milkiilaha makhaayad Talyaani ah, Forsythia, oo ka soo horjeedda jidka ay Deborah ku nooshahay, wuxuu u arkay dhaleeceynta nidaamka cuntada dibadda mid xanaaq uun ku dhisan

“Waa waali, in dad hawshan ay eedaynayaan, waxa ay sheegayaan oo dhan waxa ay noqon karaan wax yar oo xun, marka ay jiraan waxyaabo badan oo qumman,” ayuu yidhi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post