1221 Views

Go’aan maxkamadeed oo ku saabsan mustaqbalka Falastiyiniinta xaafadda Sheekh Jarrax oo baaqday

Go’aan maxkamadeed oo ku saabsan mustaqbalka Falastiyiniinta xaafadda Sheekh Jarrax oo baaqday
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday dhagaysiga dacwad ka socotay maxkamadda sare ee Israa’iil oo la doonayay in go’aan looga gaaro arrinta qoysas reer Falastiin ah oo wajahaya in xoog looga saaro xaafadda Sheekh Jarrax oo ku taal dhulka ay Israa’iil haysato ee bariga Qudus.

Dood qaadatay saacado badan kaddib, dacwadda ayaa dib loo dhigay ilaa xilli aan wali la cayimin.

Muddadii ay doodda socotay ayaa garsooraha maxkamadda waxa uu muujiyay suurtagalnimada go’aan dhex dhexaad ah oo qoysaska reer Falastiin u ogolaanaya in ay halkaasi sii degnaadaan oo aybixinayaan kiro aad loo ilaaliyay.

Qoysaska reer Falastiin ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u ridday maxkamadda hoose ee Israa’iil, kaasi oo u hiilinayay dadka Yuhuudda ah ee sheeganaya lahaanshaha dhulkaasi isla markaana doonaya in ay halkaasi ka saaraan Falastiiniinta deggan.

Arrinta Sheekh Jarraax ayaa horraantii sanadkan uga sii dartay xiisadaha ka aloosan gobolka bariga dhexe, taa oo bishii May isu badashay gacan ka hadal dhex maray Israa’iil iyo ururka Xamaas.

Qareenka u doodaya qoysaska reer Falastiin ayaa sheegay in nidaamka dowliga ah ee Israa’iil uu ka eexanayo dadka Falastiyiniinta ahi.

Thabet Abu Rass oo ah afhayeenka haya’d maxalli ah oo u ololeyso sinnaanta dadyowga ayaa BBC-du u sheegay in go’aanka maxkamadda laga sugayo uu yahay mid dunida oo dhan ay wada sugeyso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post