1338 Views

Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Uk oo shaqada uga tagay warkii xaaska amiir Harry,

Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Uk oo shaqada uga tagay warkii xaaska amiir Harry,
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqaduu u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle.

Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah.

Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go’aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan.

Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in “uusan hal kalmad ka rumaysan” waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday.

Maamulka ITV ayaa u sheegay BBC in bixitaanka Morgan uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkaas subixii la sii daayo, balse waxa ay ka gaabsadeen inay sheegaan cidda la wareegaysa kaalinta uu baneeyay.

Piers Morgan iyo Alex Beresford oo saadaasha hawada u tebiya ITV ayaa isku qabtay faallada ka dhanka ah Meghan, waxaana Beresford uu ku dhaliilay Morgan inuu “sii wado magac-dilka” ka dhanka ah xaaska amiir Harry.

Dood kulul kadib, Morgan ayaa isaga baxay barnaamijka uu waday, inkastoo uu dib hawada ugu soo laabtay 10 daqiiqo kadib.

Madaxa ITV, Dame Carolyn McCall, ayaa sheegtay inay “rumaysan tahay waxa ay sheegtay Meghan,” iyadoo intaa raacisay in telefishinka uu garawsan yahay dhibaatada xanuunnada dhimirka.

Muxuu yiri Piers Morgan?

Barnaamijka Good Morning Britain ee baxay Isniintii ayaa Morgan waxa uu ku soo qaatay eedeyn ay jeedisay Meghan Markle oo ahayd in caawinaad ay ka weyday sarkaal sare oo ka tirsan qasriga Buckingham Palace, ayna ka fekertay inay is disho.

“Qofkee ayaad u tagtay? Maxay ku yiraahdeen? Waan ka xumahay, ma rumaysan karo kalmad ay sheegtay Meghan Markle. Ma rumaysanayo xitaa haddii ay ii akhriso wararka saadaasha hawada,” ayuu yiri Morgan.

“Waxaan ceeb weyn u arkaa in ay weerar intaa dhan ku qaado qoyskeena Boqortooyada,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kadib markii ay dad badan caro ka muujiyeen faallada Morgan, ayaa waxa uu sheegay in “weli uu walaac badan ka qabo waxa ay sheegtay Meghan”.

Carada ka dhalatay

In ka badan 41,015 dacwadood oo ka dhan ah Piers Morgan ayaa loo gudbiyay hay’adda kor-joogteysa warbaahinta ee Ofcom maalmihii Isniinta iyo Talaadada.

Waa dacwaddii labaad ee dad intaa dhan ay u gudbiyaan Ofcom 17-kii sano ee ay hay’adaasi jirtay. Waxaa kaalinta koobaad weli ku jirta dacwadii laga gudbiyay Jade Goody iyo Shilpa Shetty oo qeyb ka ahaa barnaamijkii Celebrity Big Brother ee 2007. 44,500 oo dacwadood aya lagu gudbiyay maalmo gudahood.

Piers Morgan ayaa horay looga eryay warbaahinta ay ka mid tahay Mirror, kadib markii 2004 uu ansixiyay daabicidda sawir been abuur ah oo muujinaya askar British ah oo si xun ula dhaqmaya maxaabiis Ciraaq u dhashay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post