837 Views

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya oo la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya oo la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

Somaliya iyo Kenya ayaa mar kale bilo kadib waxaa u bilaawday is faham diblomaasiyadeed kadib bilo oo uu xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Soomaaliya ayaa dhammaadkii 2020 xiriirka diblomaasi u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaawaceyso madax-banaanida dalka.

Shalay waxaa safaarada somaliya ee Kenya booqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Ambassador Macharia Kamau waxa uuna  la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Sidoo kale Kulankan ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, waxayna  labada dhinac ka wada hadleen  wada-shaqeyn  labada dal, si loo xoojiyo xiriirka burburay.

“Ambassador Macharia Kamau wuxuu wada-hadallo la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed Nur, waxayna sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay labada dal iska kaashaan karaan, sida dhaqanka, ganacsiga, nabadda iyo amnga. Labada dhinac waxaa ka go’an xoojinta xiriirka,” waxaa sidaas barta twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Sidoo kale afhayeen u hadlay dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Nairobi ay dhistay guddi baara arrimaha sababaya khilaafka labada dal. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post