1161 Views

Daawo :-Dhageysiga Dacwada Rag Ku Eedeysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas Oo Dib Loo Dhigay

Daawo :-Dhageysiga Dacwada Rag Ku Eedeysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas Oo Dib Loo Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa saakay waxaa ka soo taagay 10 ruux oo ku eedeeysan kiiskii Arxan darrada ahaa ee isugu jira kufsi iyo dil ee Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariitee Caa’isha Ilyaas Aadan.

Hayeeshee Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhageysiga Dacwada kiiskii eedeeysanaaysha,isla markaana todobaadka soo socoda dib loo dhageysan doono.

Sababta ka dambeeysay in dib loo dhigo Kiiskiina ayaa ah,kadib markii qareennada u doodayay Ragga lagu eedeeyay falkii isugu jiray kufsigii iyo dilkii ee loo geystay Marxuumad Caa’isha ay dalbeen in la siiyo Waqti ku filan oo ay kusoo ogaadaan xogata dhabta ah.

CNA

CNA Somali Tv: Magaalada Garoowe waxaa ka furmey Dhagaysiga kiiska Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar kufsi iyo dil loogu gaystey magaalada Galkacyo waxaana goobtii soo buux dhaafiyay dad-weyne badan oo doonayay inay la socdaan xukunka kiiskan.. Timirre Anchor

Posted by CNA Somali Tv on Saturday, May 4, 2019

Magaalada Gaalkacyo dhinac Puntland ayaa waxaa fal arxan darra ahaa loogu geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka,taasi oo lagu magacaabay Allaha u naxariitee Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd 12-sano jir.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment